Isimmada Dhaqanka Puntland Oo Go’aamiyey Doorashada Inay Ku Dhacdo 49 Xildhibaan

Published: December 29, 2023
Shares34

Isimmada Dhaqanka Puntland oo caawa kulan isugu yimaaday magaalada Garoowe ayaa ka shiray xaaladda Puntland, arrimaha doorashooyinka iyo go’aankii isimmada SSC-Khaatumo ay ka qaateen 17 Xildhibaan.

Isimmada Puntland oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa soo saaray go’aamo kasoo saaray kulankooda, waxay tixgeliyeen go’aankii garaadada, waxayna soo jeediyeen in laga saaro golaha wakiilada 17 Xildhibaan ee SSC, doorashadana lagu galo 49 mudane.

” Maadaama maamulka SSC-Khaatumo iyo isimmadooda ay si wadajir ah go’aan ugu gaareen in aysan matalaad ku yeelan Puntland, waa in doorashada lagu galaa 49 Xildhibaan, taasoo dastuurka waafaqsan, ahna aqlabiyad ka badan tiradii ay ku ansixi lahayd doorasho ka dhacda Puntland oo ku qabsoomi karta 2/3 xubnaha baarlamaanka, una dhiganta 44 xubnood” ayey yiraahdeen Isimmada Dhaqanka Puntland..

Hoos ka akhriso:

Horseed Media