Iska hor imaad uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ka dhacay Magaalada Bosaso

Published: February 19, 2023

Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay Magaalada Bosaso ee Xarunta gobolka Bari kadib markii ay is rasaaseeyeen ciidanka dowladda iyo meeleeshiyaad kahor yimid guryo la dumin lahaa.

Iska hor imaadka oo ka dhacay xaafadaha u dhow aagga dekedda Magaalada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo dhaawac ah.

Dadka degan guryahan ayaa diidan in la dumiyo, iyadoo Dowladdu sheegtay in loo baneenayo dan guud oo ay kamid tahay balaarinta dekedda.

Iska hor imaadan ayaa ku soo aadaya xilli Maalmo kahor la dumiyey guryo ka ag dhisnaa garoonka kubada cagta ee magaalada Bosaso.

Horseed Media