Israa’iil oo duqeysay 250 goobood oo ku yaalla Gaza

Published: December 6, 2023

Ciidamada Israel ayaa Arbacadii sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay duqeeyeen ku dhawaad 250 bartilmaameed oo ku yaala marinka Qaza.

Ciidanka ayaa sheegay in “dagaalo xooggan oo ay weheliyaan duqeyn xagga cirka ah” la galeen dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka Qaza.

Talaadadii, kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay 60 askari oo Israa’iili ah ku dileen “meel bannaan” oo ku taal bariga Khan Younis.

Kooxda ayaa sheegtay in dagaalyahanadoodu ay sidoo kale magaalada ku gubeen saddex taangi oo Israa’iili ah, laba baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah iyo saddex cagaf-cagaf oo milatari ah.

Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku heyso dhulka Falastiin Jimcihii ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo uu dagaalka hakad ku jiray.

Ugu yaraan 16,248 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 43,616 kalena waa lagu dhaawacay weerarro cir iyo dhul ah oo aan kala joogsi lahayn oo lagu qaaday deegaankaas tan iyo 7dii Oktoober.

Horseed Media