Israel oo Duqeyn ku dishay Madaxii Sirdoonka Ciidamada Jamhuuriga IRAN

Published: January 20, 2024
Shares14

Weerar ay Israa’iil ku qaadday caasimada Siiriya ee Dimishiq ayaa lagu dilay madaxii sirdoonka Ilaalada Kacaanka Iran iyo saddex kale oo Ilaalada ah maanta oo Sabti ah.

Dhismihii ay deganaayeen oo ku yaalla xaafadda Mazzeh ee magaalada Dimishiq ayaa lagu beegsaday duqeynta Israa’iil.

Duqeyntan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.

Wakaaladda wararka ee Iran Mehr ayaa sheegtay in madaxa sirdoonka u fadhiyey Siiriya, ku xigeenkiisa iyo laba kale oo ilaalo ah ay ku shahiideen weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Siiriya.

Taliyaha la dilay Hojjatollah Omidvar oo sidoo kale loo yaqaan Sadegh Omidzadeh, ayaa ahaa Madaxa Sirdoonka IRAN ee Ilaalada Jamhuuriga Qeybteeda Qudus ee qaabilsan Barigga Dhexe.

War qoraal ah oo ay soo saartay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa lagu xaqiijiyay in afar ka mid ah xubnaheeda ay ku weyday duqeynta ay ku eedeysay Israa’iil.

IRAN ayaa duqeyn la beegsatay xarun sirdoonka Israa’iil ee Mosaad ku leeyihiin magaalada Erbil ee ismaamulka Kurdistan ee Waqooyiga Ciraaq, isniintii lasoo dhaafay. Duqeyntaasi ayey ku dhinteen 7 qof.

Horseed Media