Israel oo duqeyn ku xasuuqday qoyska hogaamiye ka tirsan kooxda Islamic Jihad

Published: August 7, 2022

Ciidamada Israel ayaa sabtidii shalay duqeynmo xoogleh la beegsatay deegaanka Go’adoonsan ee Gaza, duqeyntan oo ay ku dhinteen sidoo kale dad rayid ah oo gaaraya 30 qof oo ay ku jiraan lix caruur ah.

Kooxda Islamic Jihad ee kamid ah ururada u dagaalama xoriyada reer Falastiin ayaa saaka oo Axadd ah xaqiijiyey in duqeyntii shalay lagu dilay Khalid Mansuur oo ahaa hogaamiyaha koonfurta Gaza ee kooxdaasi, weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay lix caruur ah.

Khalid ayaa noqonaya taliyihii labaad ee sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad ee lagu dilo duqeynta Israel Jimcihii ka bilowday dhulka Gaza.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey duqeyn noocaan oo kale ah lagu dilay hogaamiyihii waqooyiga ee kooxdaasi Islamic Jihad oo lagu magacaabi jiray Taysir al-Jabari.

Israel ayaa ku goodisay inay muddo asbuuc ah wadi doonto duqeyntan iyo weerarada ay la beegsaneyso goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Islamic Jihad ee deegaanka Gaza.

Duqeynta ayaa lala beegsaday daaraha dhaadheer oo ay shacabka degen yihiin iyo waliba xeryaha Qaxootiga ee ku yaal Marinka Gaza.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *