Israel oo duqeyn xoogan ku wada Gaza

Published: May 12, 2021

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa saaka oo Arbaca ah markale duqeeyey magaalada Gaza ee ismaamulka Falastiin.

Ugu yaraan 36 qof oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhintay duqeyntii xalay ay israel ku burburisay daar-dheer oo ku taal magaalada Gaza oo ay degenaayeen 40 qoys. Militariga Israel ayaa ku dooday in daartaasi uu ku yaal xaafis uu leeyahay maamulka ururka Xamaas.

Maamulka Xamaas ee ka taliya Gaza oo arrintan ka jawaabaya ayaa iyaguna xalay 200 gantaal ku riday magaalada Tel Aviv.

Inta badan gantaaladaasi ayaa waxaa soo riday difaaca cirka Israel ee loo yaqaan Iron-Dome, balse waxaa jiray gantaalo dhowr ah oo ku dhacay xaafadaha magaaladaasi oo ay ku dhaawacmeen 7 reer Israel ah.

Xiisada Falastiin ayaa todobaadkan sii xoogeysatay kadib markii Israel bilowday inay xoog kula wareegto guryo ay lahaayeen Falastiiniyiinta ku nool barriga magaalada Barakeysan ee Qudus, arrintaasi oo habeenadii lasoo dhaafay dhalisay iska horimaadyo ka dhacay masjidka Al Aqsa oo ay ciidamada Yahuuda xoog ku galeen xili muslimiin badan ay halkaasi ku cibaadeysanayeen 10ka habeen ee ugu danbeeya bisha barakeysan ee Ramadanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *