Israel oo duqeysay gaadiidka gargaarka ee UNta, Waqooyiga Gaza

Published: February 6, 2024

Kolonyo gargaar bini’aadannimo ayaa waxaa haleeshay rasaas ay ku fureen ciidamada badda Israa’iil xilli ay gaadiidkaasi kusii jeedeen waqooyiga Marinka Gaza Isniintii shalay, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta UNRWA.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale rasaas la beegsaday kumanaan shacabka Gaza ah oo sugayey in lasoo gaarsiiyo gargaarka raashinka.

Philippe Lazzarini, oo ah guddoomiyaha guud ee UNRWA, ayaa sheegay in Israel ay sii wado weerarrada. Waxa uu intaa ku daray in dadka rayidka ah iyo kolonyada gar gaarka bini’aadantinimo ay tahay in la ilaaliyo mar walba.

Farriin la soo dhigay baraha bulshada ee X, Tom White, oo ah agaasimaha UNRWA ee Gaza, ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarka Isniintii.

Israel oo xasuuq ba’an ka wada Gaza shantii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa duqeynta ku dishay in ka badan 28kun oo qof oo ay ku jiraan in ka badan 170 kamid ah shaqaalaha gargaarka ee UNRWA.

Maamulka Israel ayaa olole xoogan ugu jira in la burburiyo hay’ada UNRWA ee ah mida kaliya ee hada gargaarka u geysa shacabka Falastiin.

Horseed Media