Israel oo duqeysay gudaha Lubnaan kadib markii laga soo riday Diyaarad Drone

Published: February 27, 2024

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeeyay magaalada Baalbek ee Dooxada Bekaa oo 70km barriga uga beegan caasimada Lubnaan ee Beyruut Isniintii shalay.

Weerarkan ayaa lagu dilay ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsan Xisbullah, waana weerarkii ugu horeeyey oo ay Israel ka geysato bartamaha dhulka Lubnaan una dhaw xaduuda dalka Suuriya.

Duqeyntan ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii Israel laga soo riday mid kamid ah diyaaradaheeda ugu casrisan ee Drone-ka ah oo ay u adeegsan jirtay duqeynta ay ku khaarajiso saraakiisha Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

Gelinkii dambe ee shalay kooxda Xisbullah waxay sheegtay in ay ku gantay 60 gantaal saldhigga milatariga Israa’iil ee buuraleyda Golan, si ay uga aargoosato duqeyntii Baalbek.

Israel ayaa u muuqata inay sare usii qaadeyso weerarada dhanka Lubnaan xili dadaal loogu jiro joojinta xasuuqa ay ka wado Marinka Gaza.

Horseed Media