Israel oo duqeysay Waqooyiga Suuriya

Published: February 14, 2024

3 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil ku qaaday garoonka diyaaradaha Nairab ee gobolka Xalab, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Labo diyaarad oo F-16 ah oo ay Israa’iil leedahay ayaa gantaallada loo yaqaan Cruise missiles la beegsaday madaarka Aleppo, iyaga oo aan gelin hawada wadanka Suuriya, sida ay wasaaraddu qoraal ku sheegtay.

Taliska ciidamada Ruushka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga oo illaalinta hawada ka caawiya dowlada Suuriya ayaa cambaareeyey weeraradan Israel.

Horseed Media