Israel oo duqeysay xarun UN oo ay ku sugnaayeen Falastiiniyiinta barakacay oo gargaar sugayey

Published: January 25, 2024

Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil la beegsatay dad gaajaysan oo gargaar bini’aadantinimo ku sugayay magaalada Gaza Khamiistii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Dhimashada ayaa laga yaabaa inay korodho iyadoo dad badan oo dhaawac ah ay xaaladoodu aad u liidato, afhayeenka wasaarada Ashraf al-Qudra ayaa hadal kooban ku sheegay.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, madaafiic iyo rasaas ayaa lala beegsaday dad Falastiiniyiin ah oo gargaar bini’aadannimo ku sugayay Isgoyska Kuwait ee magaalada Gaza.

Horseed Media