Israel oo markale duqeysay Suuriya

Published: January 30, 2024

Duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay Suuriya Isniintii ayaa lagu dilay 7 qof oo ay ku jiraan dagaalyahanno taageersan Iran.

Rami Abdel Rahman, oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya, ayaa yidhi “Weerarka Israa’iil waxay la beegsatay saldhig ay leeyihiin Xisbullah iyo Iran [Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah], waxaana ku dhintay toddobo qof” oo ay ku jiraan dagaalyahannada Iran taageersan.

Laba ka mid ah dadka la dilay ayaa u dhashay dalka Suuriya, oo uu ku jiro askari ilaalo u ahaa sarkaal Iiraani ah, wuxuuna intaas ku daray in aysan caddayn in dad rayid ah ay ku jireen dadka ku dhintay duqeyntan ka dhacday deegaanka Sayyada Saynab oo ku taalla koonfurta Dimishiq.

Hossein Akbari, danjiraha Iran u jooga Suuriya, ayaa bartiisa bulshada ku beeniyay in xarun ay leedahay Iran la duqeeyey ama “muwaadiniin ama lataliyeyaal Irani ah (ay) ku shahiideen” weerarka.

Weerar hore oo dhanka cirka ah oo ka dhacay Sayyada Saynab dabayaaqadii bishii December, sidoo kalena lagu eedeeyay Israel, ayaa lagu dilay Jeneraal sare oo Iran u dhashay.

Horseed Media