Isra’iil oo gantaalo ku tuurtay Siiriya

Published: February 17, 2022

Israa’iil ayaa xalay dhowr gantaal oo ah nooca dhulka laga hago la beegsatay goobo ku yaalla koonfurta caasimadda Suuriya ee Dimishiq, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Suuriya ee SANA.

Ma jiraan faah faahin laga bixiyey khasaaraha duqeyntii xalay.

Waa markii labaad oo ay Israa’iil duqaymo ka geysato Suuriya bishan, 9-kii bishan February ayey duqeyn la beegsatay saldhigyada hubka lidka diyaaradaha, iyadoo ku dooday inay jawaab u ahayd waxa ay ku sheegtay gantaal laga soo riday Suuriya.

Weerarkaasi hore ayaa lagu dilay Askari Suuriyaan ah waxaana ku dhaawacmay shan kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *