Italy Oo Diiwaangelisay Tiradii ugu badneyd ee u dhimata cudurka Corona

Published: March 15, 2020

Dalka Talyaaniga waxaa korortay tirada dadka u dhimanaya cudurka Coronavirus, waxaana maanta axad ah la diwaangaliyay 368 qof oo u geeriyootay cudurka

Dhimashada ayaa gaartay guud ahaan wadanka Talyaaniga 1800 qof, waxaana la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii 60 Milyan oo qof oo dalkaasi ku nool.

Hay’ada dowladda talyaaniga u qaabilsan badbaadada shacabka ayaa diwaangalisay 20,603 kun qof oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus. Xukuumada talyaaniga ayaa ogolaatay inay fasaxdo 16 bilyan oo lacag ah oo lagula tacaalayo ka hortega iyo daaweynta cudurka Coronavirus.

Wadamada Faransiis, Spain, Germany iyo Britian ayaa ka mid ah wadamada qaarada Yurub ee uu saameeyay cudurka Coronaviyrs, wadamadan ayaa qaaday tallaabooyin looga hortegayo cudurka iyadoo la joojiyay isu imaadyadii bulshada iyo kulamadii ciyaaradaha, waxaa la xiray iskuuladii iyo xarumihii dowladda.

Guud ahaan Caalamka waxaa cudurka u dhintay5,700 halka dadka uu ku dhacay ay gaarayaan 152,000 ( Boqol iyo kontonkun oo qof).

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *