Itoobiya: Ciidamada TPLF oo isaga baxay gobolka Amxaarada

Published: October 3, 2022

Ciidamada Tigray ee TPLF ayaa sheegay inay isaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Amxaarada oo ay heysteen muddo ka badan bil.

Bayaan laga akhriyay teleefishinka Tigray ayaa sheegay in sababta ay ciidamada TPLF isaga baxeen halkaas ay tahay inay u wareegaan goobo kale.

TPLF bayaankooda ku sheegtay si ay u xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo xulufadooda Eritrea.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

Sawirro lagu qaaday Satellite-ka ayaa muujinayay ciidamo badan iyo saanad militeri oo lagu uruurinayo xadka Itoobiya uu la wadaago Eritrea.

Horseed Media