© 2022 Horseed Media Group

golis telecom

Itoobiya oo aqbashay inay wadahadal la gasho TPLF

Xukuumada Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan.

Ujeeddada wadahadalka ayaa ah in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaallada ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah.

Balse ma jiraan wax wadahadal ah oo rasmi ah oo dhacay, intii lagu guda jiray xabbad-joojin shan bilood ah oo socotay intii u dhaxaysay March iyo Ogosto, iyada oo markaas kaddibna uu dagaal xooggani dib uga bilaabmay guud ahaan goboblka Tigrayga.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wada xaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

Horseed Media