Itoobiya oo isku daydey in ay carqaladeyso wedfiga Soomaaliya ee shirka Midowga Afrika

Published: February 17, 2024

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya in ay sameysay “isku day daandaansi ah” oo ay ku dooneyso in ay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika (AU) ee ka socda Addis Ababa.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay falka lagu eedeeyay, waxayna ku tilmaantay mid xadgudub ku ah hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo dhaqannada Midowga Afrika.

War saxaafadeedka laguma sheegin nooca uu yahay is-hortaagga, balse waxaa lagu nuux-nuuxsaday in Itoobiya oo ah dalka martigelinaya xarunta Midowga Afrika ay waajib ku tahay inay dhammaan madaxda Afrika ula dhaqanto sinnaan iyo ixtiraam.

“Martigelinta Midowga Afrika waxay labadaba sharaf iyo karaamo u tahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay dawladdeedu ku guul-darreysato in ay ixtiraamto sharaftan iyo mas’uuliyaddan, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto Midowga Afrika inuu dib u qiimeeyo goobta xaruntiisa.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay Midowga Afrika inay sameeyaan “baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax-bannaan” oo arrintan ku saabsan, iyadoo la raacayo hab-maamuuska ururka.

Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya iyo Midowga Afrika oo la xidhiidha eedaymahan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha ku saabsan muranka heshiiska Itoobiya la gashey Somaliland oo ah qayb ka mid ah jamhuuriyadda.

Horseed Media