Itoobiya oo Kordhisay Xaalada Degdegta ah ee la saaray gobalka Axmaarada

Published: February 2, 2024

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa maanta oo Jimce ah muddo kordhin u sameeyay xaaladda deg degta ah ee gobolka Amxaarada ee waqooyiga dalkaasi, halkaasoo sanadkii hore ay ka dhaceen dagaallo qaraar.

Gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya ayey sanadkii hore 2023 ka bilowdeen dagaalo burbur xoogan geystay oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada qowmiyadda Axmaarada ee loo yaqaan Fano.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii August soo rogtay lix bilood oo xaalad degdeg ah, taasoo maamulka siisay awood ay dadka ku xiri karaan, ku soo rogaan bandow iyo inay mamnuucaan isu imaatinka dadweynaha.

Go’aanka muddo kordhinta ayaa maanta oo Jimco ah si aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen Golaha Shacabka, iyadoo labo cod oo kaliya ay diideen, saddex kalena ay ka aamuseen.

Ma cadda inta ay socon doonto xaaladda degdegta ah, balse sida uu qabo dastuurka lama kordhin karo wax ka badan afar bilood markiiba.

Xisbiga Barwaaqada ee Abiy ayaa in ka badan 95% ku leh golaha shacabka ama aqalka hoose ee baarlamaanka Itoobiya.

Rabshadaha Axmaarada ayaa dib u soo celiyay walaaca laga qabo xasiloonida dalkaasi, bilo ka dib markii heshiis nabadeed bishii November 2022 lagu soo afjaray colaad laba sano ka socotay gobolka dariska la ah ee Tigray.

Horseed Media