Itoobiya oo sheegtay inay wadahadallo la galeyso Xoogagga Tigray

Published: July 29, 2022
Itoobiya heshiis la geleysa Tigray

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay wadahadal ay la gasho Xoogagga Tigray oo dagaal kala dhaxeeyo tan & November 2020.

La taliyaha dhanka amniga ee Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal meel weliba lagu qabto si loosoo afjaro colaadda waqti dheeraatay ee u dhaxeysa Ciidamada Federaalka iyo kuwa Ismaamulka Tigray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la joogo waqtigii dhinacyadaan ay kawada xaajoon lahaayeen sidii wadahadal loogu soo afjari lahaa iyada oo la eegayo xaaladaha adag ee ka jira Dalka Itoobiya ee laga dhaxlay dagaalka labada dhinac.

La taliyaha dhanka Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa tilmaamay in dhabbaha wadahadalka lagu soo afjarayo xiisadda labada dhinac uu shukaanta u hayo Ururka Midowga Afrika isla markaana codsan kara wixii taageero ah uu u baahdo.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka & kuwa Tigray waxaa ka dhashay Khasaarihii ugu badnaa ee dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *