Itoobiya: Raysalwasaare kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Taliyaha Sirdoonka oo la magaabay

Published: February 8, 2024

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay magacaabista taliyaha hay’adda sirdoonka Temesgen Tiruneh oo loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeen, isagoo bedelaya Demeke Mekonnen oo xilkan hayay muddo 11 sano ah.

Temesgen oo isku duba ridey wax ka qabashada shaqaaqadii sanadkii hore ka dhacday gobolka Axmaarada ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka xisbiga talada haya ee Prosperity Party.

Raysalwasaare kuxigeenkii xilka iska casilay, Demeke Mekonnen ayaa loo magacaabay xilkaasi ka dib geeridii Ra’iisul wasaarihii mudada dheer ee Meles Zenawi 2012, wuxuuna ka badbaaday dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya ka dib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed xukunka qabtay 2018.

Abiy ayaa Demeke u magacaabay sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda maalmo ka dib markii uu dagaal sokeeye ka qarxay gobolka Tigray, November 2020. Colaadda ayaa socotay laba sano waxaana ku dhintay tobanaan kun oo qof.

Sidoo kale, baarlamaanka ayaa aqbalay magacaabista Taye Atske Selassie, oo ahaa safiirkii hore ee Qaramada Midoobay, loona magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Sirdoonka

Ambassador Redwan Hussein, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hadda loo magacaabay Agaasimaha Guud ee NISS. Redwan ayaa bedelay Temesgen Tiruneh oo xilka ka degaya.

Abiy Ahmed oo xiligan wajahaya kacdoonada hubeysan ee uga furan gobalka Amxaarada iyo Oromada ayaa dadaal ugu jiro sidii usii xoojin lahaa awoodiisa dowlada, isla markaana xililka ugu muhiimsan ku wareejiyey xubnaha sida weyn ugu dhaw.

Horseed Media