Itoobiya: TPLF oo shaacisay shuruuda keliya ee ay hubka ku dhigi karaan

Published: November 22, 2022
Shares4

Madaxda sare ee TPLF ayaa shaaca ka qaaday ay shuruuda keliya ee ay hubka ku dhigi karaan, kadib heshiiskii dhowaan dhex maray iyaga iyo xukuumadda Itoobiya.

Madaxda TPLF ayaa sheegay inay hubka ay dhigayaan marka si rasmi ah loo damaanad qaado in ammaanka Dadka dega Gobolka dhaca Waqooyiga Itoobiya ee Tigray.

TPLF ayaa sheegtay in ay difaac u tahay Shacabka sidaas awgeed si loo dhaqangeliyo heshiisyadii ka dhacay Koofur Afrika iyo Kenya loo baahan yahay in damaanad-qaad buuxda loo helo amniga Gobolka Tigray.

Dagaalka dhexmaray xukuumadda Itoobiya iyo xoogga Tigray oo socday muddo laba sano ah ayaa sababay inay ku dhintaan kumannaan kun oo qof, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Horseed Media