Shirkii wada-hadalada dowladda federaalka ee Somaliya iyo Somaliland ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen heshiis afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen.
Labada dhinac ayaa isla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti.
1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan
2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.
3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.
4. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.
5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.
Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.
HORSEEDMEDIA
Wa shir fashilmay runti. Farmaajo wax meesha lama tagin. Mamulka Somali land la baxay waxuu raway raqaalo iyo ina laa arko ineey dad wax isku h a yaan.
Sidee maamulka laga handla hadaan maamul la wadaagin???? 15 tawankaan maalin waxa ka danbeesay Jabuuti aan rawin ina la arko kuwa fashilmay