Jadwalka Doorashooyinka Golaha Deegaanka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo la shaaciyey

Published: June 3, 2024

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Axaddii shalay yeeshay kulankoodii Asbuuclaha ahaa, ayaa si rasmi ah ushaaciyay Jadwalka Doorashada Saddexda Degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Saddexdan degmo oo ka haray doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay Puntland sanadkii lasoo dhaafay ayaa la qorsheeyey in codbixintooda ay dhacdo 23ka bisha soo socota ee Luulyo.

Todobaadyadda soo socda ayaa la geli doonaa hawlaha horudhaca u ah doorashada sida; Diyaarinta goobaha codbixinta, qeybinta hadhaadiga kaararkii cod-bixiyayaasha iyo waliba qabashada liistada murashaxiinta.

Horseed Media