James Swan: “Doorashadu waa ka dib dhacaysaa 8 Febaraayo”

Published: January 27, 2021

Eragyga Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa maanta oo Arbaca ah qabtey shir saxaafadeed, waxaana uu kaga hadley xaaladihii u danbeeyey ee Soomaaliya, waxaa shir saxaafadeedka ku weheliyey Adam Abdelmoula, ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee arrimaha bini’aadanimada iyo Lisa Filipetto, oo ah madaxada UNSOS.

James Swan oo shir saxaafadeedka furey ayaa ugu horreyn ka hadley xaaladihii u danbeeyey ee dalka, hawlaha Qaramada Midoobey ka wadaan, iyo arrimaha u weyn ee hadda taagan ee ah sidii heshiis loo heli lahaa, kaas oo lagu fulinaayo heshiiskii Sept 2020.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu la kulmey dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya ee muhimka u ah arrimaha siyaasadda, waxaan ku dhiirigelinaey in horey loo socdo la qabto doorassho lagu kalsoonaan karo loona dhan yahay ayuu yiri.

James Swan ayaa sheegay in loo baahan yahay wakhti dheeraad ah oo doorashadu hadda aysan ku qabsoomi karin xiligii loogu talo galay, sababta u weyn ayaa ah in habraacyada la marayo ay badan yihiin sida, In la doorto Aqalka sare, in la soo xulo ergooyin kala duwan, kadibna ay doortaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, in Muqdisho la isugu yimaado, la dhaariyo ay galaan doorashooyinka Baarlamaanka, kadibna ay doortaan Madaxweyne, taas waxay u baahan tahay waktkhti dheeraad ah waxaana hoosta ka xariiqayaa in aan lagu qaban karin intaas 8 Feberaayo, laakiin waxaan muhimadda saareynaa sidii heshiis loo gaari lahaa ayuu yiri.

Mar la weydiiyey waxa dhacaya haddii la gaaro 8 Febaraayo iyada oo aan heshiis la gaarin ayuu yiri:

Doorashooyinka Soomaaliya markasta dib ayey u dhici jireen, bishii Oktoobar baarlamaanku wuxuu sameeyey sharci sheegaya in haddii wakhtigu dhamaado iyada oo aan doorasho la qaban goloyaasha dowladdu ay shaqadooda wadanayaan in laa doorasho la qabto.

Si kastaba wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in wada hadaladii u danbeeyey ee beesha caalamku ay guul sameeyeen, dhawaana la isugu imaan doono shir lagu xalinaayo caqabadaha jira, kaas oo dhabadda o xaaraya in doorashodu qabsoonto, waxaana loo badinayaa in ay bilaaban doonto bilowga bisha Maarso.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *