Jamhadda cusub ee Somaliland ka kacdey oo dagaal la gashey ciidamada maamulkaas

Published: August 11, 2023

Berbera, Somaliland: (HM) Maanta oo jimce ah waxaa dagaal culus dhexmarey koox magaceeda aan weli ku dhawaaqin kuwaas oo loo yaqaan jamhadda Buurta Gacan Libaax iyo ciidamada Somaliland.

Ciidamada buubrta Gacan Libaax galey ayaa ka soo horjeeda taliska Muuse Biixi ee muddo kororsiga samaystey, waxaana ay u badan yihiin beesha Garxejis ee Isaaq.

Dagaalka ayaa ka dhacey tuulada Go’da oo ka tirsan gobolka Saaxil, waxaana wararku sheegayaan in dhimasho iyo dhwaac ay jiraan, laakiin weli lama hayo tirakoob sax ah inta khasaaruhu le’eg yahay. Maalin ka hor ayey ahayd markii ciidamo taageersan jamhadda isku urursatey Buurta Gacan Libaax ay degmada Oodweyne ka afduubteen gawaari ay iska lahayd hay’adda samafalka ee Halo Trust, waxaana arintaas xaqiijiyey mamaulka Somaliland oo sheegay in ay ku raadjoogaan.

Mudaaharaadyo ka dhacay magaalooyinka waaweyn

Dhanka kale waxaa magalooyinka Hargeysa, Burca iyo Ceerigaabo ka dhacay mudaaharaadyo waaweyn oo looga cabanaayo Muuse Biixi. Mudaaharaadyada ayaa ku soo beegmaya 11 Agoosto oo ahayd sanad kadib markii mudaaharaadyo dad badan ku dhinteen ay ka dhaceen Somaliland, kuwaas oo ay hoggaaminaayeen oggaamiyaasha xisbiyada mucaaradka. Dhalinyarada ka qayb-qaadatey mudaaharaadyada ayaa dalbanaayey in la qabto doorashadii Madaxweynaha, ma dhicin wax khasaare ah.

Somaliland ayaa la ciir-ciireysa dagaalo sokeeye, khilaaf siyaasadeed iyo hoos u dhac dhaqaale. Muddo ku dhaw sanad waxaa ciidamada Somaliland ay dagaal kula jiraan dadka deegaanka gobolka Sool ee beesha Dhulabahante, kuwaas oo u midoobey sidii ay isagaa xoreyn lahaayeen rajiimka Muuse Biixi, waxaana Somaliland ku soo ururtey saldhigga Goojacadde in ay ka joogaan gobolka Sool oo dhan.

Dhanka kale Xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn u diidan muddo kororsiga Muuse Biixi, iyo in uu dib u furey tartanka xisbiyada kana soo hormariyey doorashada madaxweynaha, taas oo ay gaashaanka u daruureen.

Beesha caalamka ayaa Somaliland ugu baaqdey in ay ciidankooda kala baxaan gobolka Sool, sidoo kale waxaa beesha caalamu si weyn u cambaareysey duqeynta Somaliland ee isbitaalada, iskolada iyo goobaha ryidka.

Somaliland waxay ku dhawaaqdey in ay goobi isaga taagtey Soomaaliya sanadkii 1991, ilaa hadda ma jirto cid u aqoonsatey dal madax banaan.

Keyse Adam
Horseed Media