Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatey, dad ka badan boqol qof waa ku dhawacmeen mudaaharaad maalintii shalay (khamiis) ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Magaalada Hargeysa waxaa ku nafwaayey saddex qof, Burco iyo Ceerigaabo waxaa ku dhintey saddex qof oo kale sida ay xaqiijiyeen maamulka Somalland.
Mudaaharaadkan ayaa soo jiitamaayey muddo ka badan 5 bilood. Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland ee Xisbiga Kulmiye ayaa isla fahmi waayey ujeedka mudaaharaadka.
Xisbiyada Mucaaradka oo soo daliishanaya qodobo dastuuri ah ayaa sheegay in ay dhigayaan mudaaharaad ay uga cabanayaan dib u dhaca uu Muuse Biixi kuwado doorashada oo la doonaayo in ay dhacdo 13 Nofeembar 2022.
Xiisadda siyaasadeed halkee salka ku haystaa?
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka faa’iideysanaya heshiis hore loo gaarey dastuurkana ku qoran oo ah in 10kii sanoba hal mar la furo Xisbiyada siyaasadeed, ayaa ku dhawaaqey in la gaarey 10 kii sano ee Xisbiyada ayna tahay dastuuriyan iyo heshiis siyaasadeed, waxaana durba deegaanada Somaliland laga bilaabey in la furto ururo siyaasadeed doonaaya in ay tartan u galaan doorashoyinka soo socda.
Qorshaha Xisbiyada la furaayo ayaa lagu kala aragti duwan yahay.
Muuse Biixi waxa uu doonayaa in xisbiyo cusub ay soo baxaan, waxaa u muuqata fursad uu meesha uga saari karo Xisbiyada mucaaradka ee hadda jira Waddani iyo Ucid, sida uu qabo dastuurka Somaliland dalku waxa uu yeelan karaa saddex xibsi oo keliya.
Marka la furaayo nidaamka Xisbiyada, waxaa lagama maarmaan ah in la qabto doorashooyinka goloyaasha deegaanka, si saddexda xisbi ee ugu codka badan u soo baxdo.
Doorashadii goloyaasha deegaanka ee Somaliland ayaa la qabtey sanadkii hore 2021, waxaana lala qabtey doorashadii Xildhibaanada oo lagu guuleysan waayey in la qabto 16 sano.
Waxaa la is weydiinayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ma waxa uu doonayaa in doorashada goloyaasha deegaanka sanadkana u qabto, taas ma tahay suurta gal? , waa midda ay diidan yihiin labada xisbi ee mucaaradka ah.
Mucaaradku waxay doonayaan in doorashada Madaxweynaha ee taagan la qabto, kadib madaxweynaha cusub ee yimaadaa uu furo nidaamka xisbiyada ee 10 sanoba hal mar la furo.
Marka la eego dhanka sharciga ayaa la dhihi karaa labada dhinacba waa saxsan yihiin oo midkasta dood adag oo sharci ah ayuu haystaa, laakiin xilli aad u xun ayey isku aadeen labada arrimood, taas oo Muuse Biixi wakhti ku gadanaayo.
MUDAAHARAADKA
Xisbiyada Mucaaradku ayaa muddo ku hawlanaa in mudaaharaad nabadeed ay dhigaan oo ay ku muujinayaan cabashadooda, laakiin waxaa ka hortaagnaaa xukuumadda, oo ugu danbeyn ku soo koobey in ay Xisbiyadu guryahooda hortooda ku banaan-baxaan oo aysan imaan karin meelaha dadweynaha ka dhaxaysa.
Waxa uu ahaa mudaaharad dhiig badan ku daatey, kadib markii shacabka loo isticmaaley rasaas nool, ma ahan mid labada dhinacba ay soo dhaweynayaan, waxaana ka dhasehy murugo iyo ciil-qab weyn.
Muuse Biixi oo la soo baxay gaddihii lagu yaqaaney ayaa ku dhawaaqey in aan mudaaharaad danbe laba qaban karin, waxaana uu kala saaray laba arrimood laakiin isku kid ah isu-soo-bax iyo mudaaharaad, isaga oo mudaaharaadka ku sheegay fawdo iyo qaran-dumis.
NABADDA SOMALILAND
Somaliland waxay ku caanbaxdey nabad, kala danbeyn iyo doorashooyin shacabku ay doortaan madaxdooda. Waxaa muuqata in xiisadan cusub ay u soojiidi karto fawdo taas oo lugaha u gelin karta dagaalo sokeeye, haddii aan xariga la isu debcin oo heshiis siyaasadeed oo degdeg ah laga gaarin.
Keyse Adam
Horseed Media