Japan iyo Midowga Yurub oo dhoolatus milatari ku sameeyey xeebaha Soomaaliya

Published: October 19, 2020

Wasaarada Difaaca Japan ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso dhoolatuska bishan Oktoober ay ciidamadooda iyo kuwa Midowga Yurub ku sameenayeen nawaaxiga xeebaha Soomaaliya.

Dhoolatuskan militari ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha wax basaasa iyo maraakiibta dagaalka ee Japan oo gacansiinayey kuwa Midowga Yurub ee qaabilsan kahortaga burcad-badeedka ee loo yaqaan EU NAVFOR Somalia (Operation Atlanta).

Hawlgaladan ayey dowlada Japan sheegtay inay muhiim u tahay xaqiijinta amniga isu socodka badda iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga Caalamiga ah. Waxayna sheegeen in hawlgaladan uu u fasaxayo heshiiskii Qaramada Midoobay ee 1982 sharuucda badda.

Midowga Yurub ayaa ugu mahadnaqay hawlagalada Atlanta inay muhiim u yihiin illaalinta maraakiibta marta badda Soomaaliya iyo kuwa qalabka u sida hay’adaha gargaarka iyo ciidamada AMISOM.

Ciidamada Japan ayaa sidoo kale deeq gaarsiiyey Jabuuti.

Waxaa dhawaan xeebaha Soomaaliya kusoo qul qulayey maraakiibta dagaalka ee dalalka Caalamka oo markii hore sheegay inay la dagaalamayaan burcad-badeeda oo hada ka dhamaatay xeebaha Soomaaliya, balse waxa hada muuqata inuu sii xoogeysanayo loolanka u dhaxeeya xulafada Maraykanka iyo Shiinaha ee xiligan ku tartamaya Qaarada Afrika.

Saldhiga China ee Jabuuti

Shiinaha oo hada saldhig ka sameystay dalka Jabuuti ayaa doonaya hirgelinta mashruucooda Silk-Road oo ay doonayaan inay ganacsigooda ku xiraan dekadaha in ka badan 60 wadan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *