Jarmalka oo gantaalada difaaca cirka degdeg ugu diraya Ukriane

Published: October 11, 2022
Shares38
T Iris

Jarmalku ayaa isu diyaarinaya in uu geeyo gantaalada difaaca hawada sare ee tignoolajiyada cusub maalmaha soo socda dalka Umriane.

In si degdeg ah loo geeyo gantaaladan ayaa timid ka dib markii gantaallo xooggan uu Ruushku ku garaacay magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo ay ku jirto Kyiv.

Wasiirka difaaca Jarmalka Christine Lambrecht ayaa maalintii Isniinta ee shalay sheegtay in gantaalada Ruushka ee lagu weeraray xarumaha dadka reer Ukraine ay muujiyeen sida degdega ah ee loogu baahan yahay in la gaarsiiyo ciidamada Kyiv nidaamka difaaca cirka.

Qalabka difaaca cirka oo muddo hore loo ballanqaaday Ukraine, kuwaas oo awood u leh inay ilaaliyaan magaalo dhan, ayaa markii hore loo qorsheeyay in la keeno dhammaadka sanadka. Weeraradii dhimashada badnaa ee Isniintii, ayaa soo dedejiyey in nidaamka difaaca ee Ukraine kor loo qaado.

NIdaamka difaaca ee IRIS-T SLM waa nidaamka difaaca hawada oo ku rakiban gawaari, kaas oo garaaci kara diyaaradaha, helikobtarrada, gantaalaha cruises, jet artillery, drones, anti-radar missiles iyo bambooyinka kale.

by Hanad Askar