Jarmalka oo joojiyey Mashruucii Gaaska Ruushka

Published: February 22, 2022

Germany ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee Midowga Yurub oo soo rogta xayiraada ku aadan Ruushka kadib go’aankii Vladimir Putin uu ku aqoonsaday gobalada gooni-u-goosadka Ukraine.

Jarmalku waxa uu qaaday tillaabo uu ku joojinayo mashruuca dhuumaha gaaska ee [Nord Stream 2] iyada oo xulafada reer galbeedka ay diyaar u yihiin in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Ruushka.

Mashruucan ayaa ahaa mid Ruushka qiimo badan ugu fadhiya gaaska uu ka iibiyo dalalka Galbeedka Yurub.

Maraykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa la filayaa inay qaadaan tallaabooyin maanta oo Talaada ah, maalin ka dib markii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku dhawaaqay inuu ciidamo u diri doono Jamhuuriyadda isku magacawday Donetsk People’s Republic (DPR) iyo Jamhuuriyadda Dadka Luhansk (LPR).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *