Jeddah: Qarax lala beegsaday Diblumaasiyiinta France & reer Galbeedka

Published: November 12, 2020

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay weerar lala beegsaday xus ay soo qaban qaabisay safaarada Faransiiska oo ka dhacayey magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Xuskan ayaa Arbacadii shalay ka dhacayey qabuuraha (Khawajaat) oo ay ku duugan yihiin askartii Ingiriiska iyo Ajaanibta ee ku dhintay dagaalkii 1aad ee Dunidda.

Maalinta 11ka bisha Nofeember ayaa caalamka laga xusaa askartii ku dhimatay dagaaladii 1aad & 2aad ee Dunnida.

Goobtaasi ayey ku sugnaayeen Diblumaasiyiin ka kala socotay wadamada France, Greece, Italy, UK iyo Maraykanka.

Sida ay sheegeen Booliiska Jeddah qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay diblumaasi kasoo jeeda dalka Giriiga iyo Askari kamid ah ciidamada amaanka ee goobtaasi ku sugnaa. Faah Faahin lagama bixin cidda ka danbeysay weerarkan.

29kii Oktoober ayuu nin mindi ku hubeysan weerar ku qaaday Qunsuliyada Faransiiska ku leeyahay magaalada Jeddah weerarkaasi oo la xariiray kacdoonka ka dhanka ah France ee ka socday dalalka Islaamka ayaa waxaa ku dhaawacmay askari qunsuliyada illaalinayey.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *