Jigjiga: Khasaare aad u ballaaran oo ka dhashey dab ka kacay Suuqa Jigjiga

Published: July 8, 2023

Dab ka kacay suuqa cusub ee magaalada Jigjiga fiidnimadii dambe ee xalay ayaa geystay khasaare hantiyeed oo xooggan.

Dabkan qabsaday suuqa ayaan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, halka uu ka bilowdday iyo sababta intaba, sidoo kale weli lama xaqiijin khasaare nafeed.

Waxaa lagu guuleystey in la demiyo dabka oo la xakameeyo, laakiin wuxuu burburiyey guud ahaan suuqa.

“Shacab iyo dawladba waa la dadaalayaa masiibadani dabkuna ma sahlana hadana waa la dadaali anagoo Allaah la kaashanayna” waxaa sidaasi tiri Marwo. Xaliimo xasan, Wasiirka Xafiiska Arrimaha haweenka & caruurta ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Dabka ayaa qabyaha alaabaha guryaha si ba’an u burburiyey.

Bishii saddexaad ee sanakdan ayey ahayd markii Suuqa Jigjiga uu gubtey sidaan oo kale.

Horseed Media