Jilaagii Metalay Filimkii Captain Phillips oo Laga Helay Coronavirus

Published: March 12, 2020

Jilaaga caanka ah ee Tom Hanks oo matalay filmkii Captain Phillips ee laga sameeyay Burcad-badeeda Soomaalida ayaa waxaa laga helay cudurka Coronavirus

Warbixin uu soo saaray Jilaagu ayuu sidoo kale ku sheegay in cudurka Coronavirus laga helay xaaskiisa Rita Wilson oo sidoo kale ah jilaa iyo heesaa caan ka ah adduunka.

Tom Hanks oo ku sugan dalka Australia halkaasi oo uu ku jilayay filim cusub ayaa sheegay inuu dareemay Xumad, Qabow iyo daal farabadan kadibna laga baaray Cudurka oo laga helay.

Jilaaga iyo Xaaskiisa oo haatan la karantiilay ayaa la daawaynayaa, waxaana gebi ahaaba la joojiyay filmkii ay jilayeen.

https://www.instagram.com/p/B7l3nplhGSX/?utm_source=ig_web_copy_link

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Coronavirys uu galay marxaladii ahayd Pendemic oo macneheedu yahay cudur goostay xargaha oo gaaray caalamka oo idil.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *