Jubbaland: “Waxaan go’aansanay inaan iska dul-qaadno cadowga argagixisada”

Published: October 2, 2022

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa isku diyaarinaya in ay qaadeen howlgal argagixisada Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada maamulkaas, kuwaas oo ay muddo badan shacabka ku dhibaateyn jireen.

Gen. Ismaaciil Saxardiid oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo taliyaha Booliska maamulkaas Generaal Maxamed Sheikh Cabdi Xujaale ayaa sheegay in ay qayb ka noqonayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale, Gen. Ismaaciil Saxardiid, ayaa ka hadlay qorshaha diyaarinta howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee socda iyo go’aanka ku aadan in la iska dul qaado argagixisada.

Hadda wixii ka dambeeyo dhufeyskii aan ku jirnay waa ka baxeynaa, kuma sii jiri dooni, waa ogtihiin waxa dalka dhammaatiis ka socda, shacabka Soomaaliyeed waxay go’aansadeen in ay cadowga iska dulqaadaan,” ayuu yiri Generaal Saxardiid.

Wuxuu sheegay in wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland wanaagsan tahay, isagoo dhinaca kale, soo dhoweeyay howlgalada guud ahaan ka socda gobolada dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen laamaha amniga ayaa lagu go’aamiyay in la qaado howlgal lagu xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo dhowaan magacaabay guddiga hoggaaminta iyo diyaarinta qorshaha howlgalka mideysan ee la dagaalanka argagixisada ayaa hadda bilaabay in ay kormeeraan ciidanka ku sugan furimaha hore ee dalkaa si ay u dhiiri-geliyaan uguna booriyaan in ay u diyaaargarowbaan howlgal saf-balaaran oo lagu qaado nabad-diidka.