Kalfadhii Golaha Shacabka oo aan weli furmin

Published: April 27, 2022

Waxay ahayd subaxnimadii saakey in Xildhibaanada Golaha Shacabku isugu yimaadaan fadhigii ay ku dooran ahaayeen shir guddoonkooda. In kalfadhigu furmo waxaa hareeyey khilaaf, waxaa adkaatey in Xildhibaanadu ay ku soo dhiiradaan goobta teendhada Afisiyoone, waxaana ay la kulmaayeen caqabado dhanka amniga ah.

Sababta ugu weyn ayaa ah Xildhibaanada gobolka Gedo ee lagu soo kala doortey Ceelwaaq iyo Garbahaarey in aysan fadhiga ka qaybgelin, taas waxaa horey qoraal ugu soo saarey Madaxweyne Farmaajo, laakiin Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa haystey taageerada raysalwasaraha, Guddoomiyaha FEIT, Guddoonka kumeel-gaarka ah, guddoomiyaha qabanqaabada doorashada shir guddoonka iyo weliba xoghaynta Baarlamaanka, inkasta oo lagu dhaariyey goob Hotel ah, sidaas oo kale Xildhibaanada Garbahaarey waxay haystaan taageerada qayb ka mid ah FEIT iyo heshiiskii 17 September in uu dhinacooda yahay.

Guddoomiyaha ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Dhabancad ayaa sheegay in ay joogayaan ilaa Suxuur oo doorashadu ka dhamaaneyso, lama oga inw akhtigu u hiilin doono iyoin kale.

hubinta magacyada Xildhibaanada
Xildhibaanada oo magacyadooda la hubinaayo

Haddii Xildhibaanada Gedo fadhiga laga saari lahaa shirku waa furman lahaa wax caqabad ahna kama dhacdeen.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in ay baarlamaanka gaareen Xildhibaano gaaraya 70, waxaana weli si hal qalable ah u socda imaatinkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *