Kenya: Hogaamiyihii xisbi xaakimka Uhuru oo kursigiisa waayey

Published: August 11, 2022

Amos Kimunya oo ahaa hogaamiyaha xisbi xaakimka Uhuru Kenyatta ee Baarlamaanka ayaa looga guuleystay kursigiisii, Kimunya ayaa ahaa ninkii bedalay Xildhibaan Aden Ducaale oo horey looga saaray xisbiga Jubilee ee Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday.

Kimunya ayaa hogaanka xildhibaanada xisbiga Jubilee qabtay bishii June 2020, kadib markii Aden Ducaale iyo koox kale oo taageersan Madaxweyne kuxigeenka William Ruto laga saaray xisbigaasi, balse waxaa muuqata in jab weyn uu kasoo gaaray doorashada siyaasiyiintii taageersanaa Madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta.

MP Kimunya oo laga soo doorto Kipipiri ayaa waxaa ka guuleystay murashaxii uu watay Ruto ee xisbiga UDA, Wanjiku Muhia.

Taageerayaasha Ruto ayaa cagta mariyey kuraasta qaar kamid ah xildhibaanada sida weyn u taageersanaa Uhuru oo uu ku jiro Xoghayihii Guud ee xisbiga Jubilee, Mp Jeremiah Kioni.

Taageerayaasha William Ruto ee xisbiga UDA ayaa guulo waaweyn kasoo hooyey gobalo badan, walow cododka illaa iyo hada la tiriyey deegaanka Soomaalida ee Waqooyi-Bari uu weli ku horeeyo isbaheysiga uu hogaamiyo Raila Odinga. 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *