Kenya: Madaxweyne Ruto oo wacad ku maray inuu dabagal ku samayn doono musuq-maasuqa canshuuraha

Published: October 21, 2022

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa wacad ku maray inuu dabagal ku samayn doono cashuur dhaafka iyo inuu laba jibaari doono ururinta dakhliga.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in qofna uusan awoodi doonin inuu ka fogaado bixinta canshuuraha, wuxuuna saadaaliyay in dakhliga canshuurtu uu kor u dhaafi karo inta uu maanta yahay oo ah 1.8 tiriliyan shilin ($14.8 bilyan) uuna gaari doono ugu yaraan saddex tirilyan oo shilin, isagoo aan sheegin wakhti cayiman.

Kenya ayaa waxaa ka jira musuq-maasuq baahsan oo u sahlay in badan oo ka mid ah maalqabeenada tirada yar inaysan bixin canshuuraha.

Roto, oo ku ololeeyay inuu yahay horyaalka dadka saboolka ah doorashadii dhacday 9-kii Ogosto, ayaa ka hadlayay munaasabad uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha warshadaha wax soo saarka.

Digniintiisa ku aaddan lunsiga canshuuraha ayaa kusoo beegantay iyadoo maamulka maaliyadda uu qaadayo xog uruurin ku saabsan guryaha kirada ah ee ku yaal caasimadda Nairobi oo ah amar la filayo in lagu ballaariyo saldhigga canshuuraha, lana qabto kuwa aan sheegin dakhliga kasoo xarooda kirada.

Horseed Media