Kenya oo heegan gelisayey ciidamadeeda kadib digniin…

Published: January 28, 2022

Xukuumada Kenya ayaa sare u qaaday heeganka ciidamada amaanka kadib markii ay digniino soo saareen qaar kamid ah Safaaradaha reer Galbeedka oo ka digay weeraro argagaxiso.

Digniinaha ku saabsan in argagixisadu ay qorsheynayaan weerarro lagu qaado xarumaha muhiimka ah, suuqyada ama meelaha ay ku badan yihiin muwaadiniinta reer galbeedka ayaa markii ugu horreysay waxaa soo saaray safaaradaha Faransiiska, Jarmalka iyo Holland.

Marka la eego digniinta argagaxisada ee ka soo baxday Faransiiska, waxaan u xaqiijineynaa shacabka in ammaanka Kenyaanka oo ay ku jiraan kaabayaasha muhiimka ah la xoojiyay guud ahaan dalka gaar ahaan magaalooyinka,” ayuu yiri Bruno Shioso, Afhayeenka Booliiska Kenya.

“Waxaan ku boorineynaa Kenyanka inay isdejiyaan oo ay sidoo kale la wadaagaan macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo booliiska.”

Faransiiska ayaa khatartaas ku tilmaamay “khatar dhab ah”, isagoo uga digay muwaadiniintiisa iyo guud ahaan Kenyaanka inay taxaddar muujiyaan.

Waxaa jirta hanjabaad halis ah oo ka dhan ah muwaadiniinta reer galbeedka ee Kenya ku sugan. Waxaa jirta khatar dhab ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha caamka ah ee ay ku badan yihiin dadka ajnabiga ah (maqaayadaha, hoteellada, meelaha lagu nasto, xarumaha laga dukaameysto, iwm.), gaar ahaan magaalada Nairobi,” ayaa lagu yiri ogeysiis uu daabacay xafiiska arrimaha dibadda ee Faransiiska Khamiistii shalay.

Safaaradda Faransiiska ee Nairobi ayaa ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo dadka ku nool meelaha loo maleeyo inay yihiin kuwa la beegsanayo inay feejignaadaan.

“Sidaa darteed, dadka ku nool Kenya waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ay ka fogaadaan inay ku soo badanayaan goobahan dadweynaha maalmaha soo socda, oo uu ku jiro usbuucan,” ayay raacisay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *