Kenya: Ruushka wuxuu ku xadgudbay dhulka & Madax-banaanida Ukraine

Published: February 23, 2022

Kenya oo xiligan kamid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay aqoonsiga Ruushka u fidiyey maamulada gooni-u-goosadka ah ee bariga dalka Ukraine.

Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Martin Kimani ayaa yiri:

Kenya waxa ay aad uga walaacsan tahay aqoonsiga Ruushka siiyey gobolada Donetsk iyo Luhansk ee Ukraine oo ay u aqoonsadeen dowlado madax banaan. Tallaabadan iyo ku dhawaaqistani waxay jebinaysaa madax-bannaanida dhuleed ee Ukraine,” ayuu yiri danjire Kimani.

Wuxuu safiirka Kenya sidoo kale arrintan la barbar dhigay kala qeybintii gumeystayaasha ku sameeyeen wadamada Afrika oo ay xaduudo cusub u sameeyeen, isagoo sheegay in Midowga Afrika ku heshiiiyeen inaan xaduudaha wax laga bedalin si ay Nabad u helaan; isagoo yiri:

Soohdimahayagu (Afrika) may ahayn kuwo aan gacanteena ku qornay. Waxaa lagu sameeyey magaalooyinkii gumeystayaashii ee London, Paris iyo Lisbon iyadoo aan loo eegin quruumihii hore ee Afrika oo ay kala gooyeen. …. Madax-bannaanida,– haddaynu dooran lahayn in aan raacno dawlado ku salaysan isir ama diin isku mid ah, waxaan wali sii wadi lahayn dagaallo dhiig badan ku daata. …. Waxaan dooranay inaan raacno qawaaniinta Ururka Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Sababta maha aha inay xuduudahayagu nagu qanciyeen, laakiin sababtoo ah waxaan rabnay wax ka weyn oo ah Nabad.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *