Khasaaraha ka dhashay Roobka ka da’ay gobalka Gedo

Published: November 6, 2023

Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa sheegay in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gedo uu sameeyn ku yeeshay dadka Shacabka ah.

Waxaa isa soo taraya sameeynta ka dhalatay Roobka deyrta oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay gobolka Gado.

Roobabka waxaa ka dhashay fatahaado iyo daadad geystay qasaare dhimasho, bur-bur hantiyeed iyo baro-kac.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed wali Yuusuf Qorax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmada.

Waxa uuna dowladda iyo Maamulka Jubbaland ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Qoysaska oo roobka sameeyay.

“Xaafadaha ay ka koobantahay degmada Baardheere guud ahaan waa wada saameeyeen daadadka roobka.

Waana laga wada barakacay guud ahaan gobolka Gedo dagmooyinkiisa.

Gurmad degdeg ah ayaan codsaneynaa.

Guddoomiyaha degmada Baardheere

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in laga cabsi qabo in ay go’do Buundada degmada Baardheere oo biyuhu buux dhaafiyeen.

Sidoo kale gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka ayuu roobka sameeyn ku yeeshay.

Horseed Media