Khasaare ka dhashay Gacan hadalkii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho-Aaden Cadde

Published: April 22, 2021

Waxaa soo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay gacan ka hadal iyo shaqaaqo maanta Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku dhexmartay Ciidamo katirsan Nabadsugidda iyo Shaqaale ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Isku dhaca gacan ka hadalka iskubadalay ayaa ka dhacay Qeybta VIP ee ay ku nagaadaan dadka ka dhoofaya garoonka iyo qeybta Baarista waxaana dhinacyada uu dhexmaray dagaal gacan ka hadal ay isku adeegsadeen agabkii oollaa garoonka kaasoo dhaliyay burbur soo gaaray qeybo kamid ah Garoonka.

Burburka ayaa si gaar ah u saameeyay qalab xafiiskeedkii iyo documentiyadii yaala Garoonka iyo sidoo kale Muraayadaha ku wareegsan iridadaha Garoonka Laga galo ,waxaana jira dhaawacyo gaaray dhinacyadii dagaalka tooska uu dhexmaray.

Kuma Koobna gacan ka hadalka gudaha garoonka waxaa sidoo kale uu saameeyay Qeybta Banaanka Runway-ga ay diyaaaradaha ku duulaan sida ka muuqata sawiro iyo muuqaalo lagu faafiyay Baraha Bulshada.

Wararku waxa ay sheegayaan in gacan ka hadalkan uu yimid ismaandhaaf soo kala dhexgalay Ciidamada Nisa iyo Shaqaalaha Waaxda Socdaalka kaasoo Ilo wareedyo ay sheegayaan in uu ka dhashay Ajaanib kasoo dagtay Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kuwaasoo Baaritaan aan la marin hase ahaate arintan ayaan si dhab ah loo ogeyn asbaabta keentay.

Intii ay socotay shaqaaqada waxaa hakad uu ku yimid Duulimaadyadii iyo howlihii shaqo ee Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde ,Dowladda ayaana ilaa iyo hada ka hadlin dhacdadan.

Arintan ayaa noqonaysa Caqabad kale oo soo wajahday dowladda uu wakhtigeedu dhaamaday ee Muddo kordhinta sameysatay waxaana la ogeyn sida ay uga falcelin doonto shaqaaqada maanta Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde oo kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee uu dakhliga kasoo galo ahna goob istaraatiiji u ah maanka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *