Khayre oo sheegay inuu xilka ku wareejinayo Raysalwasaare Rooble

Published: September 26, 2020

Raysalwasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo Raysalwasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble oo sadex maalin kahor kalsoonida ka helay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Khayre oo tan iyo intii uu xilka ka degay aan saxaafada la hadlin ayaa qoraal uu u diray Raysalwasaaraha cusub ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, qoraalkaasi oo maanta internetka lagu baahiyey.

Wuxuu Khayre sheegay in sharciga dalka u yaal u qorayo in Raysalwasaaraha xilka ka degay uu xilka ku wareejiyo kan bedalaya, walow Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey oo Raysalwasaare kuxigeenka u wakiishay inuu xilka siihayo.

Raysalwasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo saacado kadib markii Golaha Shacabka xilka ka xayuubiyey Khayre uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay kusimaha ayaa todobaadkan dhisay guddi uu ku sheegay inay soo qaban qaabin doonaan munaasabada xil wareejinta.

Mahdi xilka uu siihayey maaheyn mid Baarlamaanka la horgeeyey ama uu ansixiyey, wuxuuna muddo 2 bil ah xilka siihayey ay Xukuumada xilka laga qaaday ansixiyeen sharuuc dhawr oo ah murran dastuuri ah dhaliyey.

Waxaana hada la ogeyn Khayre ama Mahdi kan xilka ku wareejin doona Raysalwasaaraha cusub, khilaafkan oo uu markale gacantiisa ku sameeyey Madaxweyne Farmaajo.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo xilka ku wareejiyey Raysalwasaare Khayre – Maarso 2017

Inkastoo Khayre sheegay inuu diyaar u yahay xil wareejinta ayaa la isweydiinayaa inuu qaadi karo mas’uuliyada go’aanada uusan waxna ka ogeyn ee uu gaaray RW kuxigeenka Mahdi Guuled 2dii bilood ee lasoo dhaafay? Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaan la ogeyn qaabka uu xilka ugu wareejiyo Raysalwasaaraha maadaama uusan ahayn Raysalwasaare rasmi ah oo uu Baarlamaanka Ansixiyey!

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaarihii hore Khayre ayaa labaduba ah murashaxiin u tartamaya xilka Madaxweynaha 2021.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *