Kiisaska Cudurka Covid-19 oo gaaray 390 ruux gudaha Soomaaliya.

Published: April 25, 2020

62 bukaan oo cusub ayaa maanta laga helay Cudurka Covid-19 gudaha Soomaaliya sida ay xaqiijisay Wasaarada Caafimaadka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya 18 kamid ah ayaa dheddig ah, halka 44 ay lab yihiin. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Fawsiya Abiikar Nuur, oo Galabta soo gudbisay warbixinta xanuunka COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in laba ruux ay u geeriyoodeen cudurka halka laba kalena ka bogsadeen.

Wasiir Fawsiya, ayaa sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee dalka ay gaartay 390 qof, halka tirada dadka u geeriyooday ay gaartay 18 ruux,  sidoo kalena ay ka bogsoodeen 10 bukaan.

Marwo Fawsiya, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar ka muujiyaan xanuunka COVID-19, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafidda xanuunka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *