Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakur oo dowlada lugaha u geliyey xiisad Sharci

Published: January 4, 2018

Maxkamada Racfaanka ee gobalka Banadir oo shalay u fariisatay dacwada ay soo gudbisay xeer illaalinta Qaranka oo ka dhan ah Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ganaax dul dhigtay Qareenadii diiday inay matelaan eedaysanaha.

Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayey horey u laalshay Maxkamada Darajada Kowaad 21kii bishii December, kadib markii ay xeer illaalinta maxkamada horgeyn weyday wax cadeyn ah ama tafaasiisha tuhunka laga qabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay Xukuumada ku eedaysay Khiyaamo Qaran.

Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ka duulaya go`aankii hore ee Maxkamada Darajada Kowaad ayaa diiday inuu hortago Maxkamada Racfaanka, isagoona qeexay qaabka ay Xeer illaalinta u garab martay sharuucda dalka u yaal ee xeerka ciqaabta iyo dabi soo oogida, sidaa daraadeedna aysan jirin dacwad sifo sharci ah loo maray oo isaga loo heysto. Wuxuuna sheegay inuusan qabsan doonin wax qareen ah oo u dooda.

Maxkamada Racfaanka oo iyadu dooneysay inay meel mariso dhageysiga kiiska xeer illaalinta ayaa 2dii bishan ku amartay 8 Qareeno ah inay u doodaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaasi oo loo qaabtay qaabka loo yaqaan [Qareen Sabool] oo ah in eedaysanaha uu awood u waayey inuu qabsado qareen u gaar ah.

Qareenada oo hawshan dusha loo saaray maalin kahor xiliga dhageysiga Maxkamada Racfaanka ayaa iyagoo maraya habka sharciga ah u gudbiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur in loo magacaabay inay u doodaan, wuxuuna Cabdiraxmaan u sheegay in uusan u baahneyn Qareenadaasina fasaxan yihiin.

Dhageysigii Maxkamada Racfaanka ayaa shalay lagu sheegay in Maxkamada ay shaqadii ka fariisisay qareenadii la magacaabay qaarkood muddo 2 bil ah isla markaana dul dhigtay Ganaax lacageed. Arrintaasi oo ay Qareenada si weyn uga horyimaadeen.

Shir jaraa`iid oo uu qabtay Afhayeenka Golaha Qareenada Abuukaate Cali Xalane ayuu ku faah faahiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo go`aanka khaldan ay Maxkamada Racfaanka ku ganaaxday Qareenada, isagoona sheegay in Maxkamada xukunkeeda ay ka maqleen Warbaahinta.

https://youtu.be/5NEwj7c3Buc

Dhinaca kale Afhayeenka Qareenada ayaa sheegay in kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay iyaga ulla muuqato inuu yahay Kiis Siyaasadeed, iyaguna aysan siyaasada shuqul ku lahayn balse ay yihiin Qareeno hawshoodu ay tahay dhanka sharciga.

Waxay Maxkamada Racfaanka sidoo kale sheegtay inay Xeer illaalinta baaritaankeeda sii wadan karto, isla markaana Cabdiraxmaan Cabdishakuur loo diiday inuu wax safaro ah galo oo uusan ka bixi karin dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *