Kim Jong Un oo sheegay in dalkaasi uu doonayo inuu helo ciidamada ugu awoodda badan nukliyeerka adduunka

Published: November 27, 2022
Shares4

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in waddankiisu uu doonayo in uu helo ciidanka ugu awoodda badan nukliyeerka aduunka, isagoo dallacsiiyay daraasiin ka tirsan saraakiisha milatariga ee ku lug lahaa gantaallada cusub ee loo yaqaano “ballistic”, sida ay Axaddii shaacisay warbaahinta dowladda.

Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii Kim uu18-kii bishan kormeeray tijaabada Hwasong-17, oo ah gantaalka ugu weyn ee kuuriyada Waqooyiga Kuuriya ka dhaca, wuxuuna balan qaaday in uu ka hortagi doono waxa uu ugu yeeray khatarta nukliyeerka Mareykanka.

“Hadafka ugu dambeeya ee Kuuriyada Waqooyi waa in ay hantiyaan awoodda istiraatiijiga ah ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga buuxa ee aan horay loo arag qarnigaan,” ayuu yiri Kim.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in dhisidda awoodda nukliyeerka dalkaasi ay ilaalin doonto sharafta iyo dowladnimada gobolka iyo dadka.

Horseed Media