Kismaayo: Maxkamada Militariga oo xukuntay Askari dilay qof rayid ah – VIDEO

Published: January 20, 2017

Maxkamada Militariga ee Jubaland ayaa xukun dil ah ku riday Askari maalin kahor ku dilay qof rayid ah magaalada Kismaayo.

Xukunkan deg dega ah ee Maxkamada soo saartay maalin kadib dilkii Askari Cabdicasiis Axmed Yasin oo 30 sano jir ah magaalada Kismaayo ku dilay nin lagu magacaabo Cismaan Cadow.

Guddoonka Maxkamada Militariga ee Jubaland ayaa sheegay in la horkeenay markhaatiyaal ku filan la horeenay kuwaasi oo eedaysanaha ku cadeeyey dilka bareerka ah uu geystay ayey sheegtay inay xukunkan u cuskatay sharciga Soomaaliya u yaal iyo shariicada Islaamka kuna xukuntay Dil.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *