Kismaayo: Nin hooyadii si bareer ah u dilay oo xukunkii qisaasta lagu fuliyey

Published: March 10, 2024
Shares22

Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Xasan Cabdullaahi Cabdi oo horey dil ay ugu xukuntay, kaas oo lagu hekay inuu si bareer ah u dilay hooyadii dhashay.

Ka hor inta aan dilka la fulin xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland, Nuuradiin Maxamed Khaliif, ayaa sharaxay sida ay xukunka ku gaareen. wuxuu sheegay in ay u cuskadeen xukunkiisa aayadda 178 ee ku jirta suuratul-baqaraha.

Xasan Cabdulahi ayaa 11-ka bishii Juun sanadkii hore 2023-kii dilay hooyadii Xaliimo Maxamed Cumar. Iyadoo maxkamadda xukuntay 16-kii Oktoobar ee sanadkii hore.

Horseed Media