Koonfur Afrika oo 2,900 oo Askari u diraysa Bariga DRC

Published: February 13, 2024

Koonfur Afrika ayaa u diri doonta dalka DRC ciidamo gaaraya 2,900 oo askari, kuwaas oo ka qaybqaadashada ciidamada urur gobaleedka Koonfurta Afrika ee (SADC) oo la geynayo dalka DRC, si ay wax uga qabtaan kooxaha hubaysan ee ku sugan bariga Kongo.

16-ka xubnood ee SADC waxay ansixiyeen howlgalka bariga DRC bishii May ee sannadkii hore si ay u caawiyaan waddankaasi oo laga soo saaro macdanta ugu badan ee Qaarada Afrika.

Ciidanka SADC ayaa taageeri doona ciidanka DRC ee la dagaalamaya kooxaha hubeysan. Waxayna ka koobnaan doonaan ciidamo ka socda Malawi, Koonfur Afrika iyo Tanzania.

Dhinaca kale, Isniintii shalay ayey banaanbaxo waaweyn oo rabshada wata ka dhaceen caasimada DRC ee Kinshasa, iyadoo shacabka weerareen safaaraddaha dalalka reer Galbeedka sida Mareykanka iyo Belguim.

Shacabka DRC oo gubay calamada dalalka reer Galbeedka ayaa ku eedeeyey dowladahaasi inay gacan siinayaan Dowlada Rwanda oo la rumeysan yahay inay soo hubeysay maleeshiyaadka Jabhada M23 ee dagaalada ka wada Bariga dalka DRC.

Horseed Media