Koonfur Afrika oo askar looga dilay DRC

Published: February 16, 2024

Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan ciidamada urur gobaleedka SADC ee dalalka Afrikada koonfureed ayaa ku dhintay weerar madaafiic ah oo lala beegsaday ciidamadooda ku sugan Bariga dalka DRC.

Ciidamada Difaaca Qaranka Koonfur Afrika (SANDF) ayaa xaqiijiyay xogtan, iyagoo sheegay in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigooda. Weerarkan ayaa ka dhacay nawaaxiga magaalada Sake iyadoo askarta ku dhaawacantay weerar loo daadgureeyay cisbitaalka ugu dhow ee magaalada Goma.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay geysteen kooxda M23 oo dhulkaasi ka dagaalanta.

Ciidamada ka socda urur Gobaleedka SADC oo laga keenay Koonfur Afrika, Tansaaniya iyo Malawi ayaa gacan siinaya ciidamada Dowlada DRC oo dowlada Rwanda ku eedaysay inay soo hubeysay Jabhada M23.

Dagaalka ka socda Bariga DRC ayaa laga cabsi inuu isu bedalo dagaal diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya dalalka taageerada DRC oo ay ku jirto Koonfur Afrika iyo Dowlada Rwanda oo la sheegayo inay taageero ka heysato Mareykanka.

Xarun Dahabka laga qodo oo la weeraray

Waxaa sidoo kale weerar balaaran lagu qaaday mid kamid ah xarumaha laga soo saaro dahabka dalkaasi DRC ee ku yaal barriga wadankaasi.

Urur bulshada rayidka ah ayaa sheegay in ugu yaraan toban qof lagu dilay 16 kalena ay afduubteen fallaagada.

Fallaago ka tirsan kooxda hubaysan ee CODECO ayaa weerarkan ku qaaday xaruntaasi dahabka laga qodo oo u dhow degmada Djugu ee gobolka Ituri.

In ka badan 120-kooxood oo hubeysan ayaa gobolkaas ku dagaalamaya, kuwaasoo intooda badan u dagaalama dhulka ay ku jiraan macdanta qaaliga ah, iyadoo kooxaha qaarna ay isku dayayaan inay difaacdaan deegaanadooda.

Horseed Media