Kooxaha Basaso FC iyo Bari oo Barbardhac Galay- SAWIRO

Published: January 19, 2017

Iyadoo horyaalka kubadda cagta ee Puntland uu si habsami leh uga socda magaalooyinka waaweyn, ayaa shalay Galab waxaa ciyaar xiise leh ku dhex martay garoonka kubadda cagta ee Bosaso kooxaha Bosaso FC iyo Bari FC.

Kullankan oo aad u adkaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal qof, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda Bari , waxaana goolka u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Baroon oo afka hore ee weerarka uga ciyaara kooxdaasi.

Markii dib la isugu laabtay qaybtii dambe ciyaarta, ayaa kooxda FC Bosaso waxay soo bandhigtay ciyaar qurux badan, iyadoo sii xoojisay weerarkii ay ku haysay goolka kooxda Bari, waxaana u suurtagashay inay ku barbareeyeen laad xor ah oo uu soo tuuray ciyaaryahan Siciid Gaab, taasi oo uu madax ku wareejiyay ciyaaryahan Cabdirisaaq Axmed Yaasiin, ugu dambayntii uu shabaqa ku hubsaday Ciyaaryahanka Weerarka Maxamed Deeq.

Weerar iyo weerar celis ayaa ciyaartu 90 daqiiqo waxay ku dhamaatay barbaro 1-1, iyadoo Mudadii ay socotay ciyaartooyda labada kooxoodba la siiyay kaararka jaalaha ee ganaaxa, hase yeeshee gabagabii ciyaarta wax ay ku dhamaatay jawi nabadgelyo ah.

Horyaalka Kubadda Cagta ee Puntland oo bishan bilowday ayaa kooxda BosasoFC. waxay ciyaartay saddex ciyaarood, waxay badisay hal kulan, kulana waa laga badiyay, iyadoo kulankii shalay barbaro gashay, waxayna leedahay afar dhibcood, halka kooxda FC Bari saddexdii kullan ee ay yeelatay labo kullan ay barbaro gashay, midna laga badiyay waxay leedahay labo dhibcood.

Kooxda Kubadda Cagta ee Bosaso FC Kooxda Kubadda Cagta ee Bari FC

Sawirada: Maxamed Cismaan Muuse (Damdam)

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *