Kooxda ADF / Daacish oo weerar ka geysatay dalka DRC

Published: May 27, 2024

Ku dhawaad 10 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraradii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay fallaagada ADF ee gacansaarka la leh kooxda Daacish ee bariga DRC.

Kooxdan ayaa weeraro ka geysatay tuulooyinka bariga DRC Jimcihii iyo Sabtidii lasoo dhaafay.

ADF, oo asal ahaan ah koox Muslim ah oo kasoo jeeda dalka Uganda, ayaa saldhigyo ka sameystay sanadihii la soo dhaafay bariga dalka DRC, iyagoo dilay kumannaan rayid ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxay kordhiyeen weerarada iyo dhaca ay ku hayaan tuulooyinka iyo xarumaha caafimaadka.

Tan iyo dhamaadkii 2021, DRC iyo ciidamada Uganda waxa ay si wadajir ah howlgalo ka dhan ah ADF ka wadeen Waqooyiga Kivu iyo gobolka deriska la ah ee Ituri, balse ilaa iyo hadda kuma guuleysan in ay joojiyaan weerarada halista ah ee lagu hayo dadka rayidka ah.

Sanadkii 2019 ayey kooxdaasi ADF si rasmi ah ugu biirtay Kooxda Daacish, iyadoo isku tilmaamtay faraceeda bartamaha Afrika.

Horseed Media