Kooxda Kubadda Cagta Toronto Fc oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Published: January 31, 2024

Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Isboortiga G/Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Koox Cayaartoy Kubadda Cagta oo ka timid dalka Canada (Toronto FC).

Sidoo kale, madaxda xiriirka kubadda gacta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xiriirka Mudane, Yusuf Xuseen iyo xubno kale ayaa qayb ka ahaa soo dhoweynta kooxda FC Toronto.

Kooxdaan oo marti qaad Rasmi ah ka heysata Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa inta ay joogaan Magaalada Muqdisho waxa ay kulamo Cayaareed saaxibtinimo la cayaari doonaan qaar ka mid ah Kooxaha Kubadda Cagta ee ka dhisan dalka.